Cancelo oo arrin yaab leh ku sameeyey taageerayaasha kooxda Man City kaddib markii Munich loo diray

0

(Manchester) 31 Jan 2023 – Laacibka Joao Cancelo ayaa muujiyey dareenkiisa ku aaddan taageereyaasha Manchester City kahor inta uusan amaah ugu biirin Bayern Munich isagoo xannibay ama baloogay dhowr akoon oo caan ah oo ay taageereyaasha kooxdu ku leeyihiin baraha bulshada ah.

Daafaca heerka caalami ee dalka Portuguese-ka ayaa ku dhow inuu amaah ugu wareego kooxda Bundesliga ka dhisan oo uu caafimaadka u maray kuna biiray, iyadoo heshiiska lagu daray ikhtiyaar ay ku iibsan karaan ciyaaryahanka £61.5milyan oo ginni.

Kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Cancelo ay isku dhaceen tababare Pep Guardiola, waxa ay u muuqataa in daafacu uu dareenkiisa ka muujiyey dhanka khadka.

Galabnimadii Isniintii, markii uu soo baxay warka ku saabsan wareegista Cancelo, mid ka mid ah koontada taageereyaasha City oo leh taageerayaal badan ayaa sheegay in akoonka daafaca dadabka midig “aan laga arki karin Instagram.”

Si kastaba ha ahaatee, sidaa may ahayn xaaladdu oo run ahaantii difaacu wuxuu baloogay bogga – taasoo la micne ah in boggiisu aanu iyaga u muuqan.

Isla bogga ayaa sii waday inuu soo jeediyo in daafacu uu ‘baloogay bogag badan oo Instagram ah’.

Hadalsame Media