”Maanta waa wax wayn in calanka buluugga ihi uu ka babanayo Laascaanood” – Xil Mahadi Guuleed (Daawo)

0

(Muqdisho) 28 Jan 2023 – Xil Mahadi Guuleed oo horay u noqday RW Xigeenka DF Somalia ayaa sheegay in ”Xoog laysku maquuniyo iminka la soo dhaafay, 15 sano kaddib in Laascaanood Calanka buluugga laga taagana ay tahay wax wayn.”

Wuxuu sheegay inuu taageersan yahay inay dadka Laascaanood iyo dadka reer woqooyigu ay nabad ku wada noolaadaan maadaama ay yihiin dad qaraabo ah.

”Waxaan usoo jeedinayaa Somaliland in wax kasta lagu dhameeyo si nabdoon, maadaama aan xoog cidina waxba ku keeni karin. Soomaaliyi kala adkaan waydey,” ayuu yiri.

Guuleed wuxuu sheegay in Soomaalinnimadu ay tahay waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in halkudheg laga dhigto, isagoo cadowga qura ee jira ku sheegay kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media