Taageerayaasha Arsenal ayaa waloow laga badiyey hal RAJO kala dhex baxay ciyaartii xalay (Arag doodda ay kula jiraan taageerayaasha City)

0

(Manchester) 28 Jan 2023 – Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega shanaad ee FA Cup-ka Ingiriiska kaddib markii ay 1-0 kaga badisay Arsenal Jimcihii (Janaayo 27). Ciyaaryahan Nathan Ake ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyey, waxana uu kala saaray labada dhinac oo ismari la’aa.

Yeelkeede, kooxda Gunners ayaa Twitter-ka waxaa uga jeexjeexay taageerayaasha oo ku maadsanaya iyagoo ku xifaalaynaya inaysan ka badin karin Man City oo ah kooxda horyaalka ku haysata.

Waloow ay taageerayaasha Arsenal ay aragti iyo rajo fiican kala tageen ciyaartan maadaama ay ciyaarsiiyeen laacibiin badan oo kayd ah ama cusub, balse ay ciyaarta Man City oodeeda ugu geeyeen iyagoo dhowr mar sigay inay goolka hore dhaliyaan isla daqiiqaddii 5-aadba markaas oo uu Tomiyasu sigay.

Taageerayaasha laga badiyey ayaa isku qanciyey in maadaama iyagoo kala maqan ay cududdooda tuseen City, oo lagu doodi karo inay tahay cududda horyaalka ee idman, inay sidoo kale awood u yeelan karaan inay horyaalka qaadaan.

Halkan hoose ka eeg isu faanka taageerayaasha City iyo Gunners oo uu midba wax uu ku farxay uu ciyaartan uga jeedo.

Halkan ka aqri fal-celinta….

Hadalsame Media