Taageerayaasha Liverpool oo aqoonsan la’ laacib kooxdaa u ciyaari jirey oo hadda kusoo baxay tababare cajiib ah + Bal arag sida uu isu bedeley

0

(Hadalsame) 28 Jan 2023 – Taageerayaasha ayaa la yaabban muuqaalka mid ka mid ah ciyaaryahannadii hore ee kooxdaasi Liverpool soo maray oo haatan u muuqda mid aan gebi ahaanba la aqoonsan karin kaddib markii uu iska xiiray timihii dhaadheeraa.

38-jirkan reer Talyaani ayaa magaca ku yeeshay kooxda Roma, kahor inta uusan £20 milyan oo ginni ugu dhaqaaqin kooxda ka dhisan Premier League ee Liverpool sanadkii 2009-kii, isagoo gool kooxdiisa u dhaliyey nus-dhamaadka EL.

Taageerayaasha, si kastaba ha ahaatee haatan ku dhibtoonaya inay horay ka aqoonsadaan ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe oo iminka noqday macallin soo baxaya oo durba guulo badan gaarey.

Sawirrada aad aragtaan waa ciyaaryahankii hore ee Talyaaniga ee Alberto Aquilani, sababta ay taageerayaashu ugu dhibtoodeen inay aqoonsadaanna waxay tahay isagoo haatan leh gar iyo timo gaagaaban.

Waxa uu Reds u saftay kaliya 28 kulan labadii xilli ciyaareed ee uu la joogey kooxda koowaad ee Reds laakiin markii uu yimid Roy Hodgson oo bedeley Rafa Benitez oo isaga keenay ayaa ku qanci waayey waxa uuna amaah ka raadsadey JuventusAC Milan kahor inta aanu si joogto ah ugu biirin Fiorentina.

Kaddib waxa uu noqday macallin, markii uu la wareegey xilka kooxda Fiorentina ee 19-jirrada, halkaas oo uu ku qaaday 5 koob seddex sano gudahood oo uu laylinayey.

Wuxuu shaqada la wareegey bishii Luulyo 2020 wuxuuna u baahday kaliya hal bil si uu u qaado koobkiisii ​​ugu horreeyey kaasoo ahaa Coppa Italia Primeavera.

Laba kale ayaa markiiba u raacay iyo sidoo kale Supercoppa Primavera wuxuuna hadda qabsaday midkii shanaad. Laga yaabee inuu maalin uun qabto kooxda Reds lafteeda.

Hadalsame Media