”Ha ila soo qaadin arrinta Laascaanood!” – Guddoonka Gol. Guurtida Somaliland oo jawaab yaab leh bixiyey (Daawo)

0

(Hargaysa) 28 Jan 2023 – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa fal-celin isku dhafan oo aan kala caddayn ka bixiyey xaaladda Gobolka Sool.

Gud. Saleebaan oo ay warbaahinta su’aalo ku gaadday ayaa markii hore sheegay inay ka hadlayaan wax uu ku sheegay ”xaaladaha Somaliland” oo uu ku sheegay inay ugu daran tahay midda Laascaanood.

Balse markii si cad loo waydiiyey sida uu u arko shirwaynaha maanta ka furmay magaalada Laascaanood oo ay ku dhan yihiin dhaqankii Sool wuxuu ku jawaabey ”inaysan isaga u oollin”, isagoo yiri: ””Aniga Shirka Laascanood maxa dhakada iga saaray. Ha ila soo qaadin arrintaas.”

Saleebaan ayaa sidoo kale qiray in aanay wax talo ah arrintan weli ka yeelan MW Somaliland, Muuse Biixi, iyo golayaasha labada aqal ee Baarlamanka Somaliland isagoo mar arrintaa la waydiiyey si deg deg ah ugu jawaabey ”Goormaannu Muuse is aragnay?”

Hadalsame Media