Nin Imaam ah oo doonaya in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka oo ”qabsaday” magaalada ugu wayn dalka Koonfurka Afrika + Sawirro

0

(Hadalsame) 28 Jan 2023 – Qofkii ugu horreeyey oo Muslim ah ayaa taariikhda markii koowaad loo doortay in uu noqdo Duqa Magalada Johannesburg oo ah magaalada ugu ballaaran dalka Koonfur Afrika.

Abubakar Thapelo Amad, waa 41-jir Muslim ah soo noqday Imaam Masjid waxaana uu ku dhashay degmada isku raranta ah ee Soweto ee ay madowgu degaan.

Waxaa guushka Abubakar ku faraxay soona dhoweeyey Muslimiinta dalkaasi oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyadoo Abubakar uu maamuli doono dad ka badan ilaa lix milyan oo qof oo ku nool magaalada Johannesburg.

Ninkan, Thapelo Amad, oo ku dhashay kuna barbaaray Soweto, xubinna ka ah xisbi siyaasadeed oo ay leeyihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay, ahaana imaam, sidoo kale waa guddoomiyaha Al-Jama-ah, waxaana haatan loo doortay duqa cusub ee Johannesburg.

Amad ayaa la filayaa inuu xilka kala wareego xildhibaanka DA Mpho Phalatse, kaasoo xilka looga qaaday mooshin ku saabsan codka kalsoonida oo laga keenay.

Sida ku qoran Wikipedia-ha xisbiga Al-Jama-ah, waxay aaminsan yihiin in la isku xukumo Shareecada Islaamka. Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media