”Dhibku dhankaas ayuu ka yimid” – Macallinka Al-Nassr oo durba dhaliil ku bilaabay Ronaldo (Daawo waxa lagu haysto)

0

(Riyaad) 27 Jan 2023 – Macallinka Al-Nassr ee Rudi Garcia ayaa muujiyey in aanu ka cabsanayn in uu dhaleeceeyo xiddiggiisa cusub kaddib markii uu ku dooday in fursada uu khasaariyey Cristiano Ronaldo ay qayb wayn ka ahayd ka haritaankoodii Super Cup-ka oo ay ka reebtay Al-Itixaad.

Ronaldo, oo sidoo kale ku guuldarraystay inuu gool dhaliyo kulankiisii ugu horreeyey ee Al-Nassr isbuucaan, ayaa awoodi waayey inuu saameyn wayn ku yeesho kulankii xalay kooxdiisa looga badiyey 3-1 gool – waxaana goolasha u kala dhaliyey Romarinho, Hamdallah iyo Al-Shaqeeti.

Weeraryahanka Portugal ayaa si kastaba u dhowaadey inuu gool dhaliyo, wax yar kahor nasashada ciyaarta, isagoo hawada sare u boodey, islamarkaana kubad madax ahayd oo awood leh u leexiyay dhanka goolka, laakiin waxaa ka bixiyey Grohe.

“Mid ka mid ah waxyaabaha bedeley habka ciyaarta ayaa ah fursad uu khasaariyey Ronaldo qaybtii hore ee ciyaarta.” ayuu yiri Garcia oo qiimeeyey ciyaarta isagoo u hambalyeeyey Al-Itixaad oo uu sheegay inay soo bandhigeen ciyaar tooda ka fiican.

Ciyaaryahankii hore ee Brazil Juninho Pernambucano ayaa horay ugu digey Ronaldo isagoo sheegay in Rudi Garciaoo Ronaldo ku laylin doona Al-Nassr, uu yahay nin wejiyo badan. Halkan ka aqri warkiisa…

Hadalsame Media