Caqabad haysata ciidamadii weerari lahaa Wabxo, Derri, Cadarre, Ceelbuur, Galhareeri IWM (Arrin ay ka sheegteen)

0

(Hadalsame) 27 Jan 2023 – Ciidamadii DF iyo kuwii degaanka ee Macawisley ee qabtay degaanno muhim ahaa oo ay Wabxo ka mid tahay balse markii dambe kasoo baxay, ayaa ka hadlay sababta ay u xayiran yihiin.

Ciidamadan oo ahaa kuwii gurmad ahaan ugu horreeyey ee Hiiraan taga kaddib markii uu bilowday dagaalka ay qayta ka yihiin ”Macawisleeydu”, ayaa ka sheeganaya DF Somalia oo aan siinin kaalmadii farsamo iyo tii saanadeed ee ay bixinaysey, tasoo caqabad ku noqotay.

Ciidankan oo bishii Nofeembar qabtay Wabxo iyo degaanno u dhow oo ay ilaa 3 aag kasoo weerareen, ayaa 12-kii Nofeembar iskaga soo baxay kaddib amar la sheegay inuu ka yimid dhinaca Taliska Sare ee Ciidanka Xoogga, sida uu xilligaa sheegay Taliye Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah taliyeyaasha ciidanka Wabxo qabtay.

Ciidanka oo deeto saldhig ka dhigtay Maxaas oo uu qarax ku qabsaday ayaa dib isu abaabuley, balse ciidanka oo haatan laba aag kala jooga waxaa weli haysata caqabaddii ka haysatey taakulo la’aanta dhinaca DF Somalia.

Qof goobjoog ah ayaa Hadalsame u sheegay inay mar la kulmeen RW Xamse Cabdi oo ballanqaadyo ugu sameeyey mar ay isku arkeen Aadan Yabaal, balse aysan ilaa haatan waxba kasoo naasa caddaanin ilaa haatan.

”Aaggii hore hadda waa kasoo guurney balse weli annaga ayaa is wadna oo wax taageero ihi nagama soo gaarin DF Somalia.” ayuu yiri qof ka tirsan hoggaamiyeyaasha ciidankan oo magaciisa qariyey, isagoo sheegay inay iyagu diyaar yihiin markasta.

DF Somalia ayaa dhowr arrimood u samaysa ciidamada degaannada waxaana ka mid ah ciidan kaba, taageero cireed, saanad, rasaas, raashin iyo sahan, kuwaasoo muhim u ahaa guusha dhamaan dagaalladii ugu dambeeyey ee dhacay.

WAREEJINTA TALISKA – Arrin kale oo ay ciidankani ka hadleen waa in taliska lagu wareejiyo MW Galmudug Md Qoor Qoor maamulka dagaalka ka socda dhulalka degaankaasi, halkii ay ka maamuli lahayd DF Somalia.

Waxaa kale oo jirta in maadaama dagaalka Al Shabaab uu yahay halis heer qaran ah oo saamayn ku leh wax ka badan hal gobol ay mar kasta waajib tahay inay gacanta ku hayso DF Somalia.

Hadalsame Media