DF Somalia oo qiratay arrin aysan horay u sheegin oo ku saabsan ciidanka ku tababartay Eritrea + Sawirro

0

(Muqdisho) 27 Jan 2022 – MW Xasan Sheekh ayaa Madaxtooyada ku qaabiley qaar ka mid ah waalidiinta dhalay askartii laga keenay Eritrea, taasoo muujinaysa inaysan arrintu weli meel fuulin.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen,” ayaa la raaciyey taasoo muujinaysa inay ciidanku weli qaar ku harsan yihiin Eritrea.

“Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

“Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii, taas oo daweysay tabashada iyo walwalka ay qabeen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.” Ayaa la raaciyey.

Warkan ayaa ka duwan kii hore ee ahaa in ciidanku uu kasoo dhamaaday dalka Eritrea.

Hadalsame Media