Ronaldo oo la siiyey haddiyad Islaamka metelaysa (Ma malayn kartid qiimaha ay ku kacayso)

0

(Riyaad) 26 Jan 2023 – CRISTIANO RONALDO ayaa la guddoonsiiyey haddiyad ku kacaysa lacag dhan £630,000 oo gini oo ay sancaysay shirkadda samaysa agabka qaaliga ah ee Jacob & Co waana saacad uu ugu dabbaaldegayo u dhaqaaqistiisa Sucuudiga.

37-jirkan ayaa dhammaystiray u wareegistiisa kooxda Al-Nassr ee dalkaasi bishii hore kahor inta aan si rasmi ah loosoo bandhigin horraantii bishan Janaayo.

Ronaldo ayaana haatan goor sheegtadiisa cusub ku maamuusaya dalka cusub ee uu nolosha ka bilaabay ee Sucuudiga.

Taasna waxaa ugu wacan in saacaddu midab ahaan tahay cagaar, waana midab la mid ah kan calanka dalka Sucuudiga, islamarkaana matalaya midabka Islaamka oo isna cagaar oo barwaaqo iyo wanaag u taagan inta badan laga soo qaado.

Cristiano Ronaldo has been gifted a one-off watch by Jacob and Co

The watch is Saudi-themed green

The watch is worth £630,000

Ronie waxa uu haatan ka qaataa £173milyan oo gini sanadkiiba kooxda ka dhisan Bariga Dhexe.

Hadalsame Media