Taageerayaasha Atletico oo fal ay kooxdoodu xitaa aad uga xumaatay kula kacay Vinicius Jr

0

(Madrid) 26 Jan 2023 – Taageerayaasha Atletico Madrid ayaa dadaal dheer u galay sidii ay dareenkooda u ogaysiin lahaayeen taageerayaasha Real Madrid kahor kulanka Copa del Rey ee caawa.

Kooxahan magaalada ku xafiiltama ayaa caawa isku arki doona kulankii 231-aad markaas oo ay ku dagaallami doonaan garoonka Bernabeu si ay u xaqiijiyaan usoo bixidda semifinal-ka koobka Spain.

Taageerayaasha Atletico ayaa u muuqda inay kasoo laadlaadiyeen sawirka Vinicius Jr mid ka mid ah buundooyinka caasimadda Spain kahor kulanka Derby-ga.

Waxaa la socda sawir ah nooca la buufin karo oo wata boor ay ku qoran tahay: ‘Madrid waxay neceb tahay Real Madrid’.

Maamulka La Liga ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegayaan inay si adag u cambaareynayaan falalka nacaybka iyo cabsigelinta ah ee ka dhanka ah Vinicius Jr’. Waxa kale oo ay ballanqaadeen inay ‘baaritaan’ arrinta ku samayn doonaan si ay u ‘xukumaan’ ciddii mas’uulka ka ah.

Dhanka kale, Atletico ayaa iyana soo saartay bayaankan soo socda oo ay si wayn ugu cambaaraysay falkan xushmad darrada ah:

”Waxan oo kale waa wax laga yaqyaqsado oo aan la aqbali karin oo ceeb ku ah bulshada. Cambaaraynteenna fal kasta oo lagu weerarayo sharafta dadka ama hay’adaha waa mid aad u adag oo aan la waabin karin.

“Xafiiltanka labada kooxood waa mid aad u sarreeya, laakiin sidoo kale ixtiraam ku dhisan. Shakhsi kasta, wax kastoo ay tahay ujeedadiisa ama kooxda uu taageerato, ma wasakhayn karo wada noolaanshaha ka dhexeeya hiwaayadaha kala duwan ee labada naadi.

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico ayaa caawa wada ciyaaraya wareegga 8-aad ee tartanka Copa del Rey oo ay ku wajahayaan isla kooxda Atletico de Madrid oo ay taageerayaasheedu sidan oo kale u maageen laacibkan.

Hadalsame Media