DEG DEG: Booliiska Maaliyadda Talyaaniga oo weerar ku qaaday xarunta naadiga AC Milan (Waxa lagu haysto?)

0

(Milano) 26 Jan 2023 – Xilliga xun ee ay AC Milan gashay sanadankan bilowga ah ee 2023 ayaan u muuqan mid doonaya in la joojiyo.

Marka laga soo tago guuldarradii ku dhacday kooxda oo u ekayd mid faaruq ah markii ay 4-0 ku xasuuqday kooxda Lazio wareeggii ugu dambeeyey horyaalka, haatan iyadoo 12 dhibcood u jirta kooxda hogaanka haysa ee Napoli, ayuu war naxdin leh oo hor lihi usoo yeerey kooxda.

Wax shaqo ah se kuma laha garoomada ciyaaraha, laakiin kaliya waa wax khuseeya maamulka naadiga. Kooxda Rossoneri ayaa dhab ahaantii waxaa booqasho deg deg ah ku tegey Booliiska Maaliyadda gaarka ah ee loo yaqaan Guardia di Finanza kaasoo eegaya sida uu u dhacay iibsiga AC Milan oo uu sanduuqa Elliott ka gaday shirkadda uu leeyahay Gerry Cardinale ee RedBird.

Waqtigan xaadirka ah faylka dacwad oogaha Milano ee Giovanni Polizzi iyo ku xigeenkiisa Maurizio Romanelli oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale, ayaa kooxda ku eedaynaya in xilligii iibka la juusteeyey qaamaha kooxda.

Tillaabadan ay qaadeen baarayaashu ayaa ka soo bilaabatay cabashada saamile hore oo ka mid ahaa dadka saamiyada yar ku lahaa maamulka naadiga, waana hay’adda reer Luxembourg ee Blue Skye.

Booliiska Maaliyadda ayaa bilowgii la sheegay inuu haatan gacanta ku dhigay dokumentiyadii iibka kooxda AC Milan ee yaalla xarunta naadiga ee Casa Milan, si uu baaritaan ugu sameeyo haddii ay jiraan waxyaabo khalad ihi, sida ay xarriiqayeen saxaafadda Talyaanigu.

Yeelkeede, wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Booliisku uu kaliya qaatay dokumentiyo ay ku wareejiyeen madaxda Blue Skye sida Salvatore Cerchione iyo Gianluca D’Avanzo oo horay dood uga qabey iibka kooxda.

Milan weli wax baaris toos ah laguma furin.

Hadalsame Media