”Waa inaad i aqoonsataa!” – Carlo Ancelotti furka ku xooray laacibka Rodrygo + Sababta (Daawo)

0

(Madrid) 21 Jan 2023 – Garabka Real Madrid ee Rodrygo ayaa canaan kulul oo aan looga baran kala kulmay tababarihiisa Carlo Ancelotti kaddib markii uu u yimid isagoo xilligaa kasoo bedeley kulankii Copa del Rey ee ay la ciyaareen Villarreal.

Xiddiga reer Brazil ee jooga £40 milyan ginni ayaa lagu bedeley Dani Ceballos daqiiqaddii 56-aad, iyadoo ciyaaryahanka reer Spain uu qayb libaax leh ka qaatay soo laabashadii cajiibka ahayd ee Real Madrid qaybtii labaad ee ciyaarta.

Markii uu Rodrygo ciyaarta ka saaray Ancelotti, xilli ay Madrid 2-0 ku hoggaamineysey Villarreal kulan ka tirsanaa Copa del Rey gaar ahaan wareega 16-ka oo ay markii dambe 3-2 ku badiyeen ayay ka tafatay labadooda.

Muuqaal fiidiyoow ah ayaa muujinaya Ancelotti oo caraysan oo u dhowaanaya Rodrygo oo fadhiya kursiga kaydka Madrid, isagoo farta ku taagaya una muuqda inuu leeyahay, ‘Tu a mi, me saludas’ taasoo noqonaysa ‘Adiga, waxaad u baahan tahay inaad i aqoonsato’.

Warqaadka Marca ayaa waxa uu qoray in jahawareerka Rodrygo uu salka ku hayey xaqiiqda ah in xanaaq uu ciyaarta ka qaaday ay aad u dhintay waxqabadkiisa.

Hadalsame Media