Ruushka oo muujiyey inuu ka cabsanayo weerar cirka ah oo lagusoo qaado Moscow & Jawaabta Kremlin-ka (Daawo gantaalo saqafyada la saaray)

0

(Moscow) 21 Jan 2023 – Kremlin-ka ayaa diidey inuu sheego in Ruushka uu isku diyaarinayo in uu iska difaaco weerarro suurtagal ah kaddib markii ay baraha bulshada ku faafeen sawirrada hannaanka difaaca gantaalaha cirka oo la saaray dhowr saqaf magaalada Moscow.

Sawirrada baraha bulshada ayaa muujinaya nidaamka Pantsir-S1 ee guurguura ee lidka diyaaradaha oo saaran saqafka dhisme ku yaal bartamaha Moscow oo qiyaastii 2km (1.2 mayl) bari ka xigta Kremlin-ka iyo Pantsir kale oo saaran saqafka sare ee dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee ku ag taalla webiga Moscow River ee kasoo horjeeda Gorky Park.

Wax u muuqda hubka lidka diyaaradaha ayaa Jimcihii lagu arkay dusha sare ee dhismaha Wasaaradda ee caasimadda, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Faransiiska (AFP).

Yeelkeede, mar la waydiiyey in Ruushku ka walaacsan yahay in Moscow ay dareensan tahay inay noqon karto bartilmaameed, afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov, ayaa su’aalahaa iskaga gudbiyey Wasaaradda Gaashaandhigga.

“Iyaga ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta ammaanka dalka guud ahaan iyo gaar ahaan caasimadda, sidaas darteed, waxaa wanaagsan in la waydiiyo Wasaaradda Difaaca dhammaan tillaabooyinka la qaaday.” ayuu Peskov ku af-jigey suxufiyiinta.

Wasaaradduna weli kama jawaabin codsi ay faallo uga bixiso waxa socda oo ka yimid Wakaaladda Wararka ee AFP.

Hadalsame Media