Juventus oo kasoo jawaabtey ganaaxii la dul dhigay & Koox durba doonaysa inay ka naqaysato ciyaartooyda ugu fiican + Magacyada

0

(Torino) 21 Jan 2023 – Kooxda Juventus ayaa soo saartay bayaan ay kaga jawaabayso go’aankii maxkamadda Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ee FIGC ee 15 dhibcood looga jaray kiiskii faa’iidada raasumaalka ee loo haystey.

Maxkamadda Racfaanka Federaalka ayaa go’aamisey fiidnimadii Jimcaha ee xalay inay Juventus gorodda u geliso 15 dhibcood oo laga jaray iyo sidoo kale ganaax laba sano ah oo la saaray Agnelli iyo Arrivabene.

Paratici ayaa lagu ridey ganaax labo sano iyo bar ah halka Pavel Nedved la saaray ganaax 8 bilood ah oo lagu xukumay inuusan ciyaaraha u dhowaan. Tan ugu darani waa in ganaaxan ay sidoo kale hirgelinayaan UEFA iyo FIFA, taasoo baxar gelinaysa booska Paratici ee kooxda Tottenham.

Juventus ayaa maanta soo saartay bayaan, kaasoo xaqiijinaya inay bilaabeen nidaamka racfaanka ee ay hor geeyeen Xeerbeegtida Isboortiga ee Collegio di Garanzia dello Sport ee hoos taga Guddiga Olombika CONI ee dalkaasi, iyagoo ku doodaya in aan lagu haynin wax dembi ah ama wax is dhaafdhaafin ah.

Ganaaxan oo Juventus ka tuuray kaalinta 10aad ee kala sarraynta Serie A tiiyoo ay awal ku jirtey kaalinta 3-aad iyadoo haatan leh 22 dhibcood islamarkaana aan lahayn agaasime isboorti, maadaama Federico Cherubini la ganaaxey 16 bilood.

Dhanka kale, durba kooxo ka dhisan Horyaalka Ingiriiska oo ay ugu horreeyso As Manchester United ayaa xagaaga isu diyaarinaya inay weerar ku qaadaan Juventus xilli uu Erik ten Hag doonayo inuu sii xoojiyo kooxdiisa soo kacaysa.

Xiddigaha ay Juve ka calaamaysteen waxaa kuwa ugu horreeya durba ka mid ah; Dusan Vlahovic, Adrien Rabiot, Manuel Locatelli, Wojciech Szczesny, Samuel Iling-Junior.

Hadalsame Media