Habdhaqan lagu xalaashanayo wax xaaraan ah oo si wayn uga socda Muqdisho & Meelo kale (Door ay ku leeyihiin shirkadaha isgaarsiintu)

0

(Muqdisho) 21 Jan 2023 – Khamaarka dhallintii Muqdisho qarribay iyo kaallinta Hormuud.

Muqdisho marka aad joogto ee aad labaatameeyo dhallinyaro ah dhex fadhiso, waxaa aad u adag inaad hesho dhowr ka mid ah oo aad la sheekeysato. Arrintan ayaa sidoo kale ka jirta gobollada, balse anigu waxaan arkay Muqdisho.

Badankood waa mashquul ku foorara mobayllada oo ay ka ciyaarayaan khamaarkii qurbaha marki la joogo, gaar ahaan dalalka aan muslinka ahayn lagu ciyaari jiray mishiinno waaweyn oo yaalla xarun Cassino ama Bingo, laakiin haddeer muqdisho laga ciyaaro si online ah.

Xisaab malaha dhallinyarada khamaarta ee aan kusoo arkay Muqdisho, waxaan se aad ula yaabay inaysan u arkin xaraam Alle dadkiisa uga digay inay ka fogaadaan.

1XBET, waa Upp ka khamaarka laga ciyaaro iyada oo lacago fara badan (hadba inta qofku awoodo) lagu qasirayo. Waxaan ogaaday inay jiraan nambarro telefoon oo la waco lacagna loo diro si ay mobilkaaga kuugu soo shubaan lacagtii khamaarka lagu ciyaarayey.

Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo iyadu leh adeegga internet ka ee Khamaarka laga ciyaaro iyo akoonada lagu diro lacagta lagu iibsado intaba waxaa madaxa ugu sarreeya ka ah Sh. Axmednuur Cali Jimcaale oo ah nin wadaad ah. Ma hubo inuu ka warqabo wada shaqeynta shirkaddiisa kala dhaxeysa shirkadda kale ee khamaarka ee 1XBET oo aanan aqoon dalka laga leeyahay.

Hormuud oo adeeggeeda Internet ka mamnuucday in si toos ah looga fiirsado aflaamta galmada ah ayay ceeb wayn ku tahay inay umadda soomaaliyeed ee muslim ka u fududeyso, kaallin wada shaqeyna ka qaadato fasaad weyn oo bulshada gaar ahaan dhallinyarada loo sahlayo.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adadeeda amnigu waa inay ka howlgalaan sidii loo xiri lahaa wadiiqooyinka loo maro ee fududeeya khamaarka Diinteenu mamnuucday ee geysanaya dhaawac weyn oo dhaqaale iyo mid akhlaaqeed intaba.

W; Q: Qaasim Cabdulle Xuseen

Hadalsame Media