Muqdisho, xog dheeraad ah oo kasoo baxaysa wiil yar oo hooyadii lagu hor diley

0

(Muqdisho) 21 Jan 2023 – Maxamed Xeyle oo Saakay Hooyadiis iyo Walaashiis lagu hor dilay. Waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya in sidoo kale la diley qaar la dhaawacay qaar kalena la xirey dad ka dhiidhinayey falkan arxan darrada ah oo dibedbax ka dhigay halka uu shilkani ka dhacay.

Ilaah ha u naxariistee Maxamed Cabdisalaan Cali (Xeyle) oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeesanayay mooto bajaaj ayaa saakay askari katirsan ciidanka dowladda si gardarro ah ugu dilay isgooska Howlwadaag.

Wiilkan oo xilli dhallinyarada Muqdisho badankood hurdeen kasoo toosay si uu ugu soo shaqeeyo ehelkiisa ayaa nolosha loo aqoonsaday, waxaana wiilkan la dilay xilli hooyadiis iyo walaashiis uu mootada ku waday.

Dad ehel iyo asxaab la ah wiilkan ayaa ii sheegay in Maxamed oo degnaa deegaanka Gubta ee degmada Dayniile dhawwaan dhameeyay Jaamacad, waxaana wiilkan maalmo kahor loo iibiyay mooto bajaajta si uu hooyadiis goob ay ka shaqeyso ugu geeyo, sidoo qoyskiisa ugu kaalmeeyo isna ugu shaqeesto.

Askari arxan daran oo xiran dareeska ciidanka Qaranka sidoo kale mushaar looga dhigo lacagta laga qaado mooto bajaajta iyo canshuurta kale ayaa si gardarro ah u dilay, waxa uuna wiilkaasi dhaafiyay nolol iyo mustaqbal ifaya uu lahaa.

Madaxda dalka waxaa looga fadhiyaa caddaalad marsiinta gacan ku dhiiglahan iyo kuwa kale ee sida gardarada ah maalin kasta u dila dadka shacabka ah ee aan waxbo galabsan.

W; D: Gacal Ayman

Hadalsame Media