Min Wasiirka Gaashaandhigga ilaa Jen. Biixi & Saraakiisha kale, 6 arrimood oo ka socda furinta dagaalka oo sahlaysa weerarrada soo noqnoqday (Daawo)

0

(Hadalsame) 21 Jan 2023 – Waxaa shalay aroortii qarax iyo weerar lala beegsaday Galcad ku geeriyoodey ciidan uu ka mid ahaa Taliye Xigeenkii Komaandooska Danab, Xasan Tuurre oo noqday taliyihii 3-aad ee muddo todobaad gudihiis ah weerar lagu dilo.

Waxaa ka horreeyey Jamaal Axmed, Taliyihii CID-da Beledwayne oo lagu diley xerada Halgan Janaayo 16 iyo Kornayl Abshir Shataqey, oo ahaa taliye ka tirsanaa Guutada 3-aad ee XDS oo lagu diley Xawaadley Janaayo 17.

Su’aasha ugu wayni waxay ka taagan tahay cidda gaari qarax sida oo markaa soo dhacay usii sheegtay goobta ay joogaan saraakiisha ugu muhiimsan ciidamada weerarka hoggaaminaysa iyo sababta taliyeyaasha loo gayn waayey goob talis ah oo ka dambaysa furinta?

Haddaba maxaa khaldan? 1 – Madaxda ciidamada ugu sarraysaa ma dhowrayaan xeerarka ciidanka, aqoondarro iyo kas wixii ay ka tahayba, tusaale, waxaa warbaahinta lagu faafiyey Jen. Biixi oo furunta ku amaanaya Taliye Xasan Tuurre, taasoo aan ka mid ahayn nidaamka ay ciidamadu u shaqeeyaan. Haddii uu taliyuhu howlkarnimo iyo geesinnimo muujiyey waxaa jirtey qaab rasmi ah oo loo abaalmariyo iyadoo munaasibad ciidan lagu siinayo billadda uu mutaystay, balse furin dagaal iyo kaamiro waa qaab aan xirfad ku dhisnayn (unprofesional). Halkan hoose ka DAAWO….

Waxaa dheer, Wasiirka Gaashaandhigga oo ah nin aad ugu mashquulsan sawirro iyo muuqaallo uu iska soo duubo, inta badanna ah nin aan gaashaandhig iyo ciidan shuqul ku lahayn oo isla maanta la faafiyey isagoo sawirro iskaga qaadaya furimaha dagaalka, taasoo xitaa xushmad darro ku ah askarta naftooda u huraysa dagaalka, sidoo kalena jeedinaysa kuwa weli diyaarka ah, islarkaana tilmaan siinaysa cidda ay dagaalka kula jiraan.

3 – Waxaa ii muuqata in ciidamadu aanay lahayn waxyaabo adkeeynaya dishibliinka iyo hab-raaca (rules of engagement) ciidanka ee aadka u adag, weliba marka ay dagaal furan ku jiraan, si looga fursado baylahnimada iyo habacsanaanta dhalaysa inay dagmaan oo si sahlan loo dilo.

4 – Sidoo kale, waxaan xadidnayn xogaha ka imanaya furimaha dagaalka iyo meelaha la qabsado, iyadoo loo baahan yahay in wararka iyo muuqaallada halkaa laga soo duubayo loo xilsaaro dad xirfadda yaqaan oo go’aamin kara wixii la baahinayo, goorta la baahinayo iyo qaabka loo baahinayo.

5 – Meelaha la qabsado qaabka loola falgelayo ayaa sidoo kale laga dayriyey, iyadoo la iska dhexgalo dadwayne aan la aqoonin waxa ay aaminsan yihiin ama lagu aqrinayey muddadaa dheer, iyadoo aan baaris xog helid ah lagu samaynin.

6 – Jaadka furumaha la geeyey ayaa isna nidaam la’aanta, foowdada iyo xil gudasho la’aanta u sabab ah, isagoo keenaya inay ciidanku is dhigtaan oo ka bayraan xeerarkii ciidanka, waana sababta loogu baahan yahay ciidan aan balwado noocaas ah lahayn.

Waxaasi dhaqan, xeer iyo qorshe ciidan ma aha waana in si deg deg loo joojiyaa oo si qaabaysan loogu mashquulaa howlaha muhimka ah. Dhanka kale, sida uu maalin dhowayd qoray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur dagaal kasta wuxuu u baahan yahay 3-dan qorshe:

1 – Wejiga koowaad oo ah guluf dagaal oo gacanta fallaagada looga bixinayo goobaha ay haystaan (Xorrayn).

2 – Wejiga labaad oo ah gacan ku haynta goobaha laga xorreeyay fallaagada (Xajin).

3 – Wejiga saddaxaad oo ah dhismaha maamulka garsoorka, hay’addaha amniga, deegaanka iyo bixinta adeegga asaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, si ay bulshadu u dareemaan neecawda nabadda iyo in ay fallaagadii ka raysteen (Xasilin).

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media