Kooxda Shakhtar oo caddaysay kooxda uu u dhow yahay Mudryk & Wararkii ugu dambeeyey (Bayaanka kooxda)

0

(London) 14 Jan 2022 – Hilinka Sky Sports News ayaa loo sheegay in Mykhailo Petrovych Mudryk uu ku sii jeedo galbeedka London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxdaasi saacadaha yar ee soo aaddan.

Waxaa la aaminsan yahay in Chelsea ay kalsooni ku qabto inay soo xero gelin doonto saxiixa 22-jirkan soo baxaya, waxaana ay u soo bandhigtay qandaraas todobo sano iyo bar ah.

Chelsea ayaa quuraysa adduun dhan £88milyan oo gini, halka hoggaamiyeyaasha Premier League ay ilaa shalay ogolaayeen £62m oo lagu daray £20m oo bareemiyo ah, balse waxaa la isku fahmi waayey qaab-dhismeedka loo bixinayo lacagta. Chelsea oo daaqadda kasoo xaluulatey ayaa miiska saartay £62m iyo £26m bareemiyo ah.

Bayaan ka soo baxay Shakhtar habeenimadii Sabtidan ayaa lagu xaqiijiyey in heshiisku uu yahay ‘mid aad u dhow’.

Arsenal ayaa wadahadallo muddaba kula jirtey kooxda iyadoo Jimcihii shalay ahaa ee lasoo dhaafay la sheegay inay la heshiiyeen, laakiin waxa ay diyaar u ahaayeen inay ka baxaan heshiiska haddii aan la qancin dalabka kooxda reer Ukraine.

Baraha bulshada, Mudryk ayaa horay marar badan ugu muujiyey in Arsenal ay tahay meesha uu doorbidayo, iyadoo la sheegay inuu la gaarey heshiiska shakhsiga ah.

Hadalsame Media