FIFA oo ku dheggan Xulka Argentina & Xul kale oo durba ganaax culus la dul dhigay (Qodobbada ay jebiyeen?)

0

(Zurich) 14 Jan 2022 – Xiriirka Kubbada Cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan baaritaan ku saabsan falkii ay sameeyeen ciyaartooyda xulka qaranka Argentina kaddib markii ay rigoorayaal kaga badiyeen xulka qaranka France si ay ugu guulaystaan Koobka Adduunka 2022.

Hay’adda maamusha ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cagta ayaa ‘furtay dacwado’ ka dhan ah xulka Albiceleste oo lagu haysto inay ku xadgudbeen dhowr qodob oo ka mid ah xeerarka anshax marinta FIFA inta lagu guda jirey iyo kaddib KA2022, kuwaas iskugu jira qodobbada ciyaar wanaagga iyo anshax-xumada ciyaartooyda.

Ciyaartooyda Xulka Argentina ayaa sameeyey falal anshax xumo ah oo dhacay xilligii billad bixinta, dabbaaldegga iyo xitaa markii dambe ee ay tageen caasimadda dalkooda ee ay baska ku dhex wareegayeen magaalada.

Halyeeyga xulka qaranka Argentina ee Emiliano Martinez ayaa ka mid ah ragga lagu dheggan yahay isagoo haatan iska sii wata qaab ciyaareedkiisa fiican islamarkaana goolal ka badbaadiyey kooxdiisa Aston Villa kulankii Leeds, halka Lionel Messi uu gool qurux badan dhaliyey si uu u muujiyo xirfaddiisa koontoroolka kulankiisii koowaad ee PSG kaddib KA.

Qoraalka FIFA ayaa u dhignaa sidan: Guddiga Anshaxa FIFA waxa uu furay dacwad ka dhan ah Xiriirka Kubbada Cagta Argentina sababo la xiriira jebinta qodobada 11-aad (dhaqan xumada iyo ku xad-gudubka mabaadi’da ciyaaraha fudud) iyo 12 (Anshax-xumada ciyaartooyda iyo masuuliyiinta) ee xeerka anshaxa FIFA, iyo sidoo kale qodobka 44 ee FIFA World Cup Qatar 2022 oo ay weheliyaan Xeerarka Warbaahinta iyo Suuq-gaynta, inta lagu guda jirey final-ka Koobka Adduunka ee Argentina v France.’

Waxaa durba ay FIFA riddey xukunnada iyadoo Mexico lagu ganaaxey 100,000 oo ah lacagta Swiss Francs waana in ay hal kulan ku ciyaarto garoon faaruq ah, kaddiib markii ay taageerayaasheedu ku heeseen erayo cunsuriyaysan.

Hadalsame Media