Ma hobseed baa mise? Arag xukunka khubarada ciyaaraha EPL ee goolkii Man United (Daawo)

0

(Manchester) 14 Jan 2022 – Manchester United ayaa ka faa’iidaysatey go’aanka VAR oo meesha ka saaray hobseed uu ku lug lahaan lahaa Marcus Rashford, markii ay kasoo laabteen gool lagu lahaa oo ay guul 2-1 ah ka gaareen Manchester City.

Bruno Fernandes ayaa daqiiqadii 78-aad u dhaliyay goolka barbarraha kaddib markii ay garsoorku go’aamiyeen in Rashford uusan wax faragalin ah ku samayn ciyaarta inkasta oo uu sida cad taagnaa boos hobseed ah.

Haddaba Rashford oo u dhaqaaqay dhinaca ayaan misna taaban, sidaa darteed farsamo ahaan ma ahayn hobseed kahor inta aanu goolka dhalin Fernandes dhalin.

Yeelkeede, qaabkii uu u ordayey ayaa ka dhignayd inuu kubadda taaban doono waana midda keentay inay soo raacaan oo uu mashquuliyo daafacyada Manuel Akanji iyo Kyle Walker, sidaa darteed, si ahaan ciyaarta wuu saameeyey.

Khubarada Daily Mail sida Chris Perry, Chris Sutton iyo Richard Keys ayaa haatan isku wada raacay in marka la eego barta uu taagnaa iyo sida uu iskaga dhigay sidii qof kubadda taabanaya ay ka dhigan tahay inuu ”hobseed ku jirey.”

Hadalsame Media