Sucuudiga oo fududeeyey qaadashada dhalashada dalkaasi (Waayo dadka ajnabiga ah ee hadda kaddib qaadan kara?)

0

(Riyaad) 15 Jan 2022 – Boqortooyada Sucuudiga Carbeed ayaa isbeddel ku samaysay sharciyada qofka u qalma inuu codsado dhalashada dalkaasi oo awal adkayd.

Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa soo saaray wareegto boqortooyo oo qeexaysa cidda qaadan karta dhalashada Sacuudiga.

Sida uu dhigayo sharcigan cusubi, carruurta ay dhaleen haweenka Sucuudiga ah ee guursaday ragga ajaanibta ah ayaa hadda kaddib codsan kara jinsiyadda Sucuudiga kaddib da’da 18-jirka.

Wareegtadan ayaa ah wax ka bedelaysa Qodobka 8-aad ee sharciga jinsiyadda dalka Sucuudiga, waloow ay weli tahay inuu qofku sugo ilaa18-jirka, waxay dhaantaa markii hore oo aanu qaadan karin.

Hadalsame Media