5 arrimood oo aan laga yeeli doonin Ronaldo & Georgina inta ay Sucuudiga joogaan

0

(Riyaad) 12 Jan 2023 – Nolosha Ronaldo iyo gaar ahaan Georgina Rodriguez ayaa noqon doonta mid ka duwan sidii hore kaddib markii ay u guurtey Saudi Arabia si ay ula noolaato gacaliyeheeda Cristiano Ronaldo oo heshiis la saxiixday Al-Nassr.

Xeerarka Islaamiga ah ee dalkaasi ayaa waloow qaar laga dhaafay sida inay wada noolaadaan iyagoo aan is qabin, misna waxaa jira xeerar dhowr ah oo ay weli tahay inay ku dhaqmaan.

Halkan waxaa ku qoran xeerarka uu Midowga Yurub u gudbiyo dadka reer Yurub ee doonaya inay degaan ama ka shaqeeyaan dalkaasi Sucuudiga.

Dalku waxa uu leeyahay xeerar adag marka loo eego wadamada reer galbeedka taas oo caqabad ku noqon karta qofka saamaynta ku leh iyo caruurteeda.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub iyo iskaashiga, halkan waxaa ah dhowr xeer oo ay tahay in la raaco dadka doonaya in ay u guuraan Sacuudiga.

  1. Georgina waa inay xirataa cabaaya marka ay joogto meelaha fagaaraha ah.
  2. Waxaa looga baahan doonaa inay macsalaamayso lebbisyada jir-muujiska ah waqtigan la joogo, sababtoo ah dumarka Sucuudi Carabiya waa inay u labistaan “qaab asturan”.
  3. Lammaanahan ayaa sidoo kale ku khasbanaan doona inay wax ka bedelaan hab-nololeedkooda gaar ahaan dhanka cuntada maadaama isticmaalka khamriga iyo hilibka doofaarka si adag looga mamnuuco waddankaasi.
  4. Inta lagu jiro bisha Ramadaan, looma oggolaan doono inay wax ku cunaan, ku cabbaan ama sigaar ku qiijiyaan meel fagaare ah.
  5. Georgina sidoo kale ma awoodi doonto inay booqato magaalooyinka barakaysan waxayna kaliya tegi kari doontaa goobaha dabiiciga ah kaddib markay hesho ogolaansho.

Hadalsame Media