Askari Ukraine ah oo MPADS uu garabka ka ridey la helaya gantaal KURUUS ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 12 Jan 2022 – Waxaa haatan sanad kusii dhow dagaalka Ukraine oo run ahaantii 24-ka bisha Febraayo ee soo aaddan sanad jirsan doona, iyadoo aysan muuqanin sabab uu u joogsanayo, ugu yaraan haatan.

Waxaa haatan dagaalku isagoo aad u kulul uu ka socdaa bariga dalka Ukraine oo uu Ruushku ilaa 4 gobol ka xuf-goostay.

Waxaa muuqaalladii ugu dambeeyey ee halkaa kasoo baxay ka mid ah muuqaal muujinaya gantaal kuruus (cruise) ah oo uu Ruushku soo ridey oo lagu qabanayo gantaalka garabka laga rido ee MPADS.

Askari Ukraine ah ayaa la arkayaa isagoo shiishka la raacaya gantaalka oo dul haadaya, wuxuuna la helaya gantaalka uu garabka ka ridey, isagoo farxad la qaylinaya.

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media

Facebook Comments