SAWIRRO: Taangiyada Shiinaha oo la arkay iyagoo layli ciidan ku samaynaya duqaynta magaalo Yurub ah (Waa tee?)

0

(Beijing) 12 Jan 2023 – Dalka Shiinaha oo haatan ah dhaqaalaha 2-aad ee dunida ugu ballaaran kaddib markii uu booskaa kala baxay dalka Japan ayaa sidoo kale la filayaa inuu noqdo cudud caalami ah sanadaha yar ee soo aaddan.

Shiinaha ayaa marka laga reebo doonistiisa ku aaddan inuu yeesho isku fillaasho buuxda wuxuu sidoo kale diiradda saaraa dhoollatuska iyo layliga ciidan si uu u yeesho u diyaarsanaan dagaal.

Waxaase laya yaabay arrin lasoo sawiray in Shiinuhu uu ku tababaranayo isagoo weerar hubaysan ku qaadaya taallada caanka ah ee Tower Eiffel ee magaalada Paris.

Taangiga 99A ee Shiine-sameega ah iyo qaar kale ayaa la arkayey iyagoo shiishaya taalladan oo la macmalay si ay ugu toog bartaan.

Hadalsame Media