XEERKII RONALDO: Man United oo dabaqaysa SHARCI cusub & Ciyaaryahan durba lagu qaaday

0

(Manchester) 08 Jan 2023 – Manchester United ayaa soo bandhigtay wax ay ugu yeertey ”sharciga Ronaldo” si loo hubiyo in laacib kasta oo ka ciyaara Old Trafford uusan qaadan mushaar ka badan kan ay qaataan saaxiibbada ay isku kooxda yihiin, si meesha looga saaro masayrka iyo kala mudnaanta.

Mushaarka ay bixiso Man United ayaa waxa lagu xaddidi doonaa £200,000 oo gini todobaadkii iyada oo goolhaye David de Gea uu noqonayo kan ugu horreeya ee uu xeerkan cusubi saamaynayo.

Heshiiska uu qabtahan qawaarka ihi uu todobaadkii ku qaadanayo £375,000 oo gini ayaa waxa uu dhacayaa xagaagan, waxaana ciyaaryahanka reer Spain loo bandhigay yabooh aad uga hooseeya midkaasi oo ‘qaado ama ka tag ah’ kaasoo waafaqsan qandaraaskii uu saxiixay Bruno Fernandes xilli ciyaareedkii hore.

Mowqifkan mushaharka wadareed ee cusub ee United ay dabaqayso ayaa ah isbedel wayn oo aad uga geddisan waayihii Ed Woodward markaas oo ay kooxdu ay mushahar aad u badan kusoo jiidan jirtey ciyaartooy caan ah sida Ronaldo.

Tusaale, ciyaartooyda waawayn sida Raphael Varane, Harry Maguire, Casemiro iyo hadda Fernandes ayaa dhamaantood qaata mushahar isku mid ah (£180,000 ilaa £200,000 todobaadkii), waxaana xitaa dhici karta in laga dhimo haddii ay u soo bixi waayaan Champions League, sida ku xusan ama ku shuruudaysan qandaraaskooda.

Hadalsame Media