Taangi culus oo uu sameeyey dal Muslim ah oo bishan soo saaristiisa taxanaha ah la bilaabayo (2 dal oo durba dalbaday)

0

(Ankara) 08 Jan 2023 – Turkiga ayaa bilaabi doona soo saarista taxanaha ah ee taangiga culus ee Altay, sida laga soo xigtey warbaahinta Turkiga ee Soz Sakarya, 9-ka Janaayo, ayuu MW Recep Tayyip Erdogan, wuxuu booqan doona wershadda taangiyada BMC si uu uga qayb galo xafladda furitaanka rasmiga ah. Waxa kale oo ka soo qaybgeli doona Amiirka Dubai, Mudane Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

Soz Sakarya ayaa qortay in inta ay socoto xafladda, Mr. Erdogan uu saxiixi doono qandaraaska 100 taangi oo Altay ee ay samayso shirkadda Turkiga ah ee BMC oo ay iibsanayaan Ciidamada Turkiga oo kaddib wejiga labaad iibsan doona 1,000 taangi.

According to Turkish sources, only pilot units of the tank will be produced in 2023. They will have to go through a series of tests. The Turkish side informs that by the end of January, the so-called Korean tests. South Korea is “involved” in the project, as Altay is based on the South Korean K2 Black Panther.

Dalka Qadar waa dalka labaad ee uu u dalban yahay taangiga Altay. Sida ay sheegayaan warar aan rasmi ahayn, in ka badan 100 taangi ayay doonayaan inay u helaan ciidamada dhulka ee Qadar. Xogta ayaana la ogaa dhowr sano.

Kuuriyada Koonfureed ayaa Turkiga ka caawinaysa taangigan oo ku salaysan midka ay iyadu samayso ee K2 Black Panther.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale xallisay dhibaatadii Turkiga ka haysatey dhanka matoorka taangigan. Matoorka Kuuriyaanka ah ee DV27K oo ah matoor nafto ah oo 12-dhululubo oo biyo lagu qaboojiyo ah ayaa lagu xiri doonaan 100-ka taangi ee ugu horreeya ee lasoo saarayo sanadkan 2023-ka.

Waxaa kale oo sanadkan oo dhan lasii wadi doonaa tijaabooyin yar yar oo ku saabsan bandhigga taangigan waloow uu ka gudbey kuwii muhimka ahaa ama asaasiga ahaa.

Sababo la xiriira cunaqabataynta hubka ee ka dhanka ah Turkiga oo ay saareen qaar ka mid ah dalalka jaalka la ah ee NATO, Ankara waxay bilowday samaysiga matoor maxalli ah, waxaana in taangigan iyo kuwa kale ee Turkigu sameeyo lagu xiro la bilaabi doonaa 2025-ka si looga maarmo matoorka Kuuriyada Koonfureed, sida uu bishii Agoosto ee la soo dhaafay ku dhawaaqay Dr. Ismail Demir, oo ah madaxa wershadaha difaaca Turkiga.

Successful tests of Korean DV27K engine in the Turkish tank Altay

South Korea will help Turkey with engines for the Altay tank

Hadalsame Media