Dadwaynaha Afrika oo aad u dhaliilay arrin ay sameeyeen taageerayaasha Arsenal ee Kenya + Sawirro

0

(Nairobi) 08 Jan 2023 – Taageerayaasha Hogaamiyayaasha Horyaalka Premier League oo ah Kooxda Kubada Cagta ee Arsenal ayaa guud ahaan dalka Kenya ku qabtay maalin ay u bixiyeen ”Maalinta Ducada Qaran.”

”Maalintan Ducada” ee sannadlaha ah, oo noqotay caado, ayaa sida caadiga ah waxaa ku jira ka qaybgalka howlo samafal ah, ka mahadnaqida kaniisadaha, iyo u duceeynta in kooxda Arsenal ay koobab qaaddo.

Si kastaba ha ahaatee, ”maalinta ducadu” way kala duwan tahay iyadoo hadba ku salaysan goobta. Goobo kala duwan ayaa lagu qaban doonaa labada toddobaad ee soo socda. Toddobaadkan, waxaa lagu qabtay magaalooyinka Nakuru, Kitale, Eldoret, Turkana iyo Webuye.

Tusaale ahaan, xubnaha taageerayaasha Arsenal Kenya Supporters Club oo awal loo yaqaanney Kenya Arsenal Fan Club ee Turkana ayaa waxay tageen Kaniisadda Lodwar, halkaas oo ay ugu deeqeen ilaa 100 kursi oo caagag ah.

Jamciyadda taageerayaasha Kenya ee Arsenal Kenya Supporters Club waa mid ay aqoonsan tahay Arsenal, waxayna calammo gaar ah ku leeyihiin garoonka Emirates ee London.

Yeelkeede, shacabka Afrika ayaa ku maadsadey hab-dhaqanka taageerayaasha Kenyan-ka ah oo ay marar badan xitaa dhacdo inay isu daldalaan kooxdooda oo laga badiyey, koob laga qaaday IWM.

Bogga Facebook ee Modern Afrika ayay taageerayaasha Afrika waxay tillaabada taageerayaashan ku tilmaameen xoog doofaar lagu eryey iyagoo tilmaamaya in taageeradu aysan ilaa heerkaa qofka la gaarin oo ay ku ekaato taageero iyo madaalo uun.

Halkan ka arag fal-celinta taageerayaasha oo ay qaarkood sheegeen in arrintani muujinayso ”caqliyad addoonsan”, maadaama ay Afrika yaallaan dhibaatooyin ka badan in aad looga walaaco koob ay qaadayso koox Yurub ah.

Hadalsame Media