”Wuxuu cashar ka qaatay De Gea” – Taageerayaasha Liverpool oo weerar ku qaaday Alisson Becker (Daawo)

0

(Liverpool) 08 Jan 2023 – Qabtaha Alisson Becker ayaa maadsi culus ka wajahaya jamaahiirta khadka internet-ka oo maadsi ka dhigtay ‘khalad wayn’ oo uu galay xalay intii lagu guda jirey kulankii wareegga saddexaad ee FA Cup-ka ee ay Liverpool la ciyaareen Wolves iyada oo qaar ay soo jeediyeen in uu isku dayey in uu ku daydo goolwalaha Manchester United ee David de Gea.

Ciyaarta oo marayska barbarro 0-0 ah ayuu goolhayaha Liverpool oo kubbada haystaa isku dayey inuu baas ku raadiyo laacibkii saarnaa dadabka midig, balse waxaa baaskiisa aqriyey oo inta dhexda ka dafay ka dhaliyey Wolves.

Tan ugu darani waa in uusan arkin weeraryahanka Wolves ee Goncalo Guedes oo kusoo ordaya dhanka goolkiisa, si uu dhexda uga qabsado baaskiisa caajiska ah, kahor inta uusan kooxda martida ah hogaanka u dhiibin isagoo sameeyey dhamaystir xasilloon.

Mid ka mid ah taageere ayaa kusoo qoray Twitter: ‘Alisson wuxuu arkay wixii De Gea sameeyay shalay markaas ayuu yiri “bal anigana i arka sida aan yeelo,” halka mid kale uu qoray ‘De Gea iyo Alisson waa goolwalayaal saaxiibbo ah.’

Hadalsame Media