Ruushka oo mar qura xabbad joojin ku baaqay & Ukraine oo haatan kasoo jawaabtey + Sababta

0

(Kyiv) 05 Jan 2023 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa ku amray Wasiirkiisa Gaashaandhigga inuu jiidda hore ee Ukraine kusoo rogo xabbad joojin 36 saacadood ah, taasoo billaabanaysa Jimcaha berri ah.

Xabbad joojinta, oo la qorsheeyey inay bilaabato 12:00 waqtiga Moscow (09:00 GMT), ayaa ku beegan maalinta Ciidda Masiixiga qaybta ​​Ortodokska ee Ruushka.

Mr Putin ayaa ka codsaday dalka Ukraine inay si la mid ah kaga jawaabto yaboohiisa, balse Kyiv ayaa si degdeg ah u diiddey codsigaasi.

La-taliyaha Madaxwaynaha Ukraine ee Mykhailo Podolyak ayaa soo jeedinta Ruushka ku tilmaamay wax aan ka badnayn “fal dacaayadeed”.

Hadalka Kremlin-ka ayaa u muuqdey mid lagu adkaynayo in Madaxweyne Putin uu amarka siiyey ciidamadiisa si ay u joojiyaan dagaalka isagoo aan guud ahaan dagaalka joojinaynin, balse dhegeysanaya baaq ka yimid madaxa kaniisadda Ortodokska ee Ruushka.

Wadaadka Patriarch Kiril, ayaa horraantii maanta, wuxuu ku baaqay xabbad joojin xilliga ciiddooda si loogu oggolaado dadkooda inay ka qaybgalaan dhacdooyinka ay kaniisaddu qabato xilliga kirismaska ​​Ortodokska.

Kaniisadda Ortodokska ee Ruushka ayaa u dabaaldegta maalinta Kirismaska ​​7-da Janaayo, sida ku cad kal-tiriska Julian-ka oo khilaafsan midka Gregorian-ka ee 25-ka Diseembar.

Hadalsame Media