Wada noolaanshaha Ronaldo & Rodriguez oo reed marsan sharciga Sucuudiga (Waxa la filayo oo la shaaciyey)

0

(Riyaad) 05 Jan 2023 – Cristiano Ronaldo iyo lamaanihiisa Georgina Rodriguez ayaa jebinaya sharciga u degsan dalka Sucuudiga maadaama ay diin ahaan sharci darro tahay in lamaane aan isqabin ay wada noolaadaan – balse lama filayo in maamulka dalkaasi uu ciqaabo.

37 jirkan ayaa ku biiray kooxda Al-Nassr bishii hore kaddib markii uu si xil leh ugasoo tegey kooxdiisii hore ee Manchester United waxana la sheegay in uu qaadan doono £175milyan  oo gini sanadkii.

Waxa loosoo bandhigay taageerayaasha Talaadadii markii la horkeenay in ka badan 25,000 oo taageere oo fadhiyey garoonka Mrsool Park ee Riyaad ee caasimadda Sucuudiga, halkaasoo bulallayr iyo rash loogu ridey.

Qoyska Ronaldo ayaa sidoo kale ku sugnaa garoonka bandhigiisa, waxaana majaladda Isbaanishka ee SPORT ay daaha ka qaadday in gabadha ay isla nool yihiin ee Rodriguez, ay ka horimanayso sharciga Islaamiga ah ee Sucuudiga.

Maaddaama Rodriguez iyo Ronaldo aysan weli is guursan, waxay farsamo ahaan ku tumanayaan sharciga Sucuudiga.

Laakiin, SPORT ayaa warbixinteeda ku sii xustay in marka la eego maqaamka Ronaldo oo ah mid ka mid ah ciyaartooyda ugu suuqgaynta badan caalamka, xiddiga reer Portugal aysan u badnayn in arrintan lagu ciqaabo.

Ronaldo waxa kale oo uu leeyahay saddex carruur ah oo kale – Cristiano Jr. iyo Eva iyo Mateo – kuwaas oo mataano ah, waana ilmo aan hooyooyinkood la aqoon.

Hadalsame Media