“Waa waalli” – Khabar yaxyax leh oo kasoo baxay ciyaartii ugu horreeysey ee la filayey inuu Ronaldo ciyaaro

0

(Hadalsame) 05 Jan 2023 – Cristiano Ronaldo‘s Saudi Arabian debut was put on hold after heavy rainfall saw his new club’s ground beset by electrical issues, causing Thursday’s match to be postponed.

Groups of chefs in their white uniforms and several hundred security officials dressed in black stood outside the locked gates.

Kulankii ugu horreeyey ee uu Cristiano Ronaldo u safan lahaa kooxdiisa cusub ee Al-Nassri ayaa waxaa kasoo yeeraya khabar yaxyax leh.

Kulankan oo lagu muransanaa inuu Ronie kasoo muuqanayo iyo in kale, ayaa la hakiyey kaddib markii roob xoogani halkaa ka da’ay taasoo keentay inay go’do korontadii oo la baajiyo ciyaartii caawa.

Kooxo howlwadeenno ah oo ku lebbisan dirayskooda cad cad iyo dhowr boqol oo saraakiisha ammaanka ah oo ku lebbisan dhar madow ayaa taagtaagan bannaanka albaabada xiran.

Laakin war qoraal ah oo uu soo saaray naadiga Al-Nassr ayaa lagu yiri: ‘Roob culus iyo jawiga cimilada oo saameeyey korontada garoonka dartood, waxaa si rasmi ah naloogu sheegay in kulanka caawa ee Al Ta’i uu dib u dhacay 24 saacadood.”

“Waan ka cudur daaranaynaa wax kasta oo dhib ah oo soo gaarey taageerayaasha waxaana u rajaynaynaa qof walba safar ammaan ah.”

Baajintan ayaa waxa ay sii kordhinaysaa ceebta iyo yaxyaxa soo wajahay kooxda Al-Nassr, taasoo lacag dhan 400 milyan oo gini ku bixisay adeegga Ronaldo labada sano iyo bar soo socota.

Taageere la yiraahdo Mohammed Quam, 20-jir, ayaa sheegay inuu niyad jabay arrintan.

“Waa waalli inay lacag badan ku kharashgareeyaan hal ciyaaryahan kaddibna aysan xitaa korantada sax ah u samayn garoonka.” ayuu yiri.

Hadalsame Media