”Marka aan magaciisa maqlo dhiigga ayaa igu karaya” – Haweenay sheegtay inay aad u neceb tahay Ronaldo (Muuqaal cusub oo soo baxay)

0

(Hadalsame) 05 Jan 2023 – Hooyada dhashay wiilka Autistic-ga ah ee uu taleefankiisa jejebiyey Cristiano Ronaldo ayaa sheegtay in aysan wax ilmo u daadin doonin xayiraadda ka dhanka CR7 ee uga daba tagtay Sucuudiga.

Sportsmail ayaa si gaar ah u sheegay in Ronaldo laga mamnuuci doono inuu kulan-bilowgiisii fiidnimada caawa oo Khamiis ah u safto kooxdiisa cusub ee Al-Nassr.

Waxay faalladeedu timid kaddib markii laacibka lagu helay denbi aan munaasib ku ahayn ciyaaraha iyo cunfi kaddib markii uu jebiyey taleefoonka taageereEverton ah oo la yiraahdo Jacob Harding oo uu telka gacantiisa ka dafay kaddibna dhulka ku dhuftay kulankii Manchester United looga badiyey Goodison Park bishii April ee la soo dhaafay.

‘Weligii aniga iyo wiilkayga Jacib, oo autistic ah, ma siinin raalligelin sax ah. Markii uu ii soo wacay bishii Abriil kaddib wixii dhacday, wuu faanayey uun. Wax kastaana waxay ku saabsanaayeen isaga,” ayay tiri hooyada oo ku doodday inaysan kaalmo ka helin labada kooxood.

”Mar kasta oo magiciisa la sheego dhiiggayga ayaa karkaraya.” ayay daba dhigtay iyadoo muujinaysa nacaybka ay u qaadday Ronaldo heer ay gaartey inay jeclaan lahayd inuu ciyaaraha iskaga fariisto kaddib markii laga cayriyey Man United lagana fariisiyey xulka dalkiisa.

Waxay sheegtay in bulshadu ay iyaga ku eedaysay inay arrinta ka faa’iidaysanayaan oo ay lacag doonayaan balse ay iyadu rabto oo qura raalligelin sax ah oo la siiyo wiilkeeda.

Si kastaba, muuqaal cusub oo soo baxay ayaa muujinaya qaabka uu Ronaldo u jebiyey telefoonka wiilka yar.

Hadalsame Media