Maamulka Somaliland ma wuxuu ku dhaqmaa siyaasad ”Soomaali diid ah?” (Arag afartan qodob ee khaldan)

0

(Hadalsame) 05 Jan 2023 – Somaliland 1991-kii ayay sheegatay inay ka go’day Somalia inteeda kale iyadoo aan marin hab-raacyadii nidaamiga ahaa ee lagu kala saari jirey dowladaha doonaya inay kala go’aan oo ay koow ka tahay tillaabada ugu dambaysa ee ah in dowladda dhexe ay rukhsayso ama ogolaato in dadkaa laga qaado afti ay iyadu agaasimayso, marka fursad kasta oo kale xal lagu waayo.

Ha yeeshee, Maamulka Somaliland muddadii 30-ka iyo dhowrka sano ah ee ay jireen waxay adeegsanayeen sheeko siyaasadeedyo (political narratives) kala duwan, waxaana ka mid ah qaar lagu tilmaamay inaysan wax shuqul ah kuba lahayn xitaa go’itaanka ah sida in Soomaalida si looga cararo.

FG: Dabcan shacabka ku dhaqan woqooyiga ka hadli mayno waayo qaar badan oo halkaa deggani raalli kamaba aha xitaa go’itaanka iskaba daa aragtiyaha khaldan ee aan caawinaynin go’itaanka laftiisa sida nacaybka loo muujinayo Soomaalinimada.

Haddaba, aannu moowduuca usoo noqonnee, Maamulka Somaliland maku dhaqmaa siyaasad ”Soomaali diidnimo ah?” oo maka muuqataa inay isku khaldayaan Dowlad iyo qaran (nation and state) oo aysan markasta khasab ahayn inay isku xirmaan? Bal aan eegno waxyaabaha ay ku celceliyaan:

 1 – Geeska Afrika – Magacan aad ayuu u adeegsadaa Maamulka Somaliland, ujeedka aan micnaha badnayn ee ka dambeeyana waxaa lagu fasiray ka cararid ay ka cararayaan inay afka soo mariyaan sheegista  magaca Soomaalida, iyagoo halkii ay Soomaalida ka xusi lahaayeen ku gabada magacan guud ee aanu jirin wax gaar ah oo Soomaalida ka galay.

 2 – Dadka af Soomaaliga ku hadla – Waa kelmad ka mid ah kuwa ay aad u jecel yihiin madaxda Maamulka Somaliland welibana ay qabadsiiyeen dadka shacabka ah qaarkood. Beri dhowayd markii uu geeriyoodey Abwaan Hadraawi (AUN) ayay ahayd maalin si wayn loo hirgelinayey ku celcelinta kelmaddan, si bulshada loo xusuusiyo inaan waxba la isu ahayn. Adeer ma jirto ummad af isu keenay oo afkan waxaa ku hadli kara Kuuriyaan iyo Cuban balse dadka Soomaaliyeed waa ummad u dhiganta Oromo, Amxaaro, Kikuuyu iwm.

3 – Soomaalidu isku dhaqan ma aha – Waxyaabaha waawayn ee uu Maamulka Somaliland iibiyo si ay u iibiyaan aragti ah inaan Soomaalidu waxba wadaagin waxaa ka mid ah inay ku doodaan inaan Soomaalidu ”isku dhaqan ahayn”. Siyaasiyiin, gayfanayaan iyo xitaa dad aqoonyahan sheeganaya ayaa xitaa ku dooday in Somaliland magaca laga bedelo. Waa markale iyo khaladka dadkaa uga jira kala garashada dowlad iyo ummad ama qaran ama Soomaali iyo Somalia.

4 – Is xijinta gumaysiga – Ummad waliba oo lasoo gumaystey waxaa dabiici ah inay gumaysiga iyo dhaxalkiisiiba ay neceb tahay, dabcanna shacabka woqooyiga waa ka buuxaan dad badan oo aragtidaa ku taagan.

Nasiib xumo, madax ama dad aad u cabsan aragtida go’itaanka ayaa marar badan ku dooda sida ay iskugu fiicnaayeen gumaysigii Britain iyo sida ay u ilaalinayaan xadkii uu Ingiriisku dhigay taasoo marka laga soo tago inay tahay sharciyayn iyo is xijin gumaysi dadka aragtidaa qaba ka dhigaysa kuwa dhinac marsan hamigii gumaysi diidka ahaa ee ay caanka ku ahayd inta badan ummadda Soomaaliyeed, taasoo markeeda laba jid kala marsiinaysa Soomaalida kale.

Marka aad aqriso afartan qodob adigu go’aan gaar.

Xusuusin – Maalin kale waxaan faaqidi doonnaa sida aragtiyahani aysan xitaa u caawinaynin go’itaanka laftiisa, iyo saamaynta kale ee taban ee ijtimaagiga ah ee ay keeni karaan.

Tan kale, go’itaanka qofkii neceb iyo kii jecelba waa wax dunida ka dhaca oo taasi ma aha waxa aan dooddan kaga hadlayno, balse waa siyaasadaha loo marayo ee jahawareersan.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media