DF Somalia oo heshiis ay durba doodi ka taagan tahay la gashay Imaaraadka Carabta + Sawirro

0

(Abuu Dabeey) 05 Jan 2023 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lafu soo warramayaa in maanta ay heshiis cusub la gashay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana heshiiskan saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga DF Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka Gaashaandhigga oo haatan ku sugan magaalada Abu Dubeey ee caasimadda Imaaraadka ayaa sheegay in heshiiskani uu ka tarjumayo danaha labada dal ee walaalaha ah, sida la yiri.

“Iskaashigan ayaa kor u qaadaya awoodda difaac ee qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna gacan wayn ka gaysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtirayo dalkeenna Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Dhanka kale, Guddoomiye Xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka gobolka Banaadir, Cali Yare Cali ayaa ku doodaya in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea ee dhowaan Muqdisho la keenay lagu wareejiyey Imaaraadka, sidaasna ay DF Soomaaliya ku wareejisay ciidamadaasi, sida uu sheegayo.

“Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Imaaraadka Carabta ku wareejisay ciidankii lagu soo tabobaray Eritrea, heshiiska oo Abu Dhabi lagu saxiixay wuxuu qorayaa in dowladda Imaaraatka markale lagu wareejiyo kana howlgasho xerada ciidanka Jeneral Gordan iyaga oo maamuli doona habsami-usocodka xerada iyo ciidanka ku jira, sidoo kalana labada dowladood iska kaashadaan habkii ciidanka yimid loo howlgelin lahaa,” ayuu ku bilaabay Cali Yare oo arrintan ku sheegay “maalin madoow iyo mugdi gudcur ah ayay kaga dhigantahay qaranka Soomaaliyeed”.

Cali Yare wuxuu tilmaamay in sababta Imaaraadka Carabta ciidankan loogu wareejinayo ay tahay inuu bixin doono dhaqaalaha ciidanka iyo agabkii lagu howlgalin lahaa kaasoo ay kasii hoos luflufanayaan dad qandaraas qaatayaal ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Sida heshiiska lagu qoray dalka Imaaraatka ayaa dowladda ka caawin doona dhaqaalihii ciidanka lagu howlgelin lahaa, agabkooda iyo dib-ucasriyeeynta xerada. Waxaa la buriyay wareegtadii ay dowladdii hore dalka uga saartay quburada ciidan ee Imaaraadka dib ayay dalka uga howlgeli doonaan muddo 14 maalmood (labo asbuuc) gudahood ah,” ayuu yiri.

“Waxaa nasiib darro ah in dowladdii ugu weyneeyd ee xogta ciidanka laga qarinayay muddada dheer maanta sahlan loogu gacan galiyay iyada oo la eegayo dano dhaqaale iyo qandaraasyo kooban,” ayuu qoraalkiisa raaciyey Cali Yare Cali.

     

Hadalsame Media