Ronaldo oo go’aan lama filaan ah ka qaadan kara ganaaxa kahortaagan inuu caawa safto (Jawaab la sugayey oo aan weli iman & Baxar kale)

0

(Riyaad) 05 Jan 2023 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu ka hor yimaado ganaaxa FA-ga ee lagu soo rogey ee ka baajin lahaa kulankiisii ugu horreeyey ee kooxda Al Nassr caawa taasoo haddii uu sameeyo uu halis ugu gali karo ciqaab kale oo uga iman karta madaxda kubbada cagta.

37 jirkaan weerarka ka ciyaara, oo helaya in ka badan £400 milyan oo ginni inta lagu guda jiro qandaraaskiisa labada sano iyo barka ah ee kooxda Sucuudiga ah, ayaa wajahaya dooddan ganaaxa u raacay dalkaasi.

Al Nassr, oo ah naadigiisa cusub, ayaa quus ka taagan inuu laacibku durba bilaabo tacaburkiisa Carabta caawa isagoo gurigooda Mrsool Park ku wajahaya kooxda Al Ta’ee.

Al Nassr, ayaa iyadoo saacado kaliya ay ka harsan yihiin ciyaarta caawa, aan weli xaqiijin inay u hoggaansami doonto oo ay aqbali doonto ganaaxan Ronaldo saaran oo uu taageerayo sharciga FIFA.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ganaaxa la iska indho-tiro, waxay keeni kartaa Ronaldo inuu sii galo halis kale oo uu muto ganaax ka badan laba kulan iyo in kooxda Al-Nassri la dul dhigo ganaax wayn oo lacageed.

Hadalsame Media