DF Somalia oo markii ugu horreeysey taariikhda si rasmi ah u sharciyaynaysa NISA (Daawo)

0

(Muqdisho) 05 Jan 2023 – Golaha Wasiirada ayaa maanta soo jeediyey Hindise-sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadwaynaha oo uu wehliyo Hindise-sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA.

Waa tillaabo haddii ay hirgasho noqonaysa markii u horreeysey ee ay abid Nabadsugiddu yeelato sharci rasmi ah tan iyo markii la aasaasay 8 Janaayo 1970-kii, waase haddii uu Baarlamaanka DF ansixiyo.

Waxay taasi NISA ka dhigaysaa qayb rasmi ah oo ka tirsan Afarta qaybood ee ay ka kooban yihiin Ciidamada Qalabka Sida.

Nabadsugida oo heerar iyo magacyo kala duwan soo martay tan iyo markii la aasaasay sida NSS iyo NISA ayaa ku shaqayn jirtey wareegtooyin iyo awaamiir aan wax xeer umadeed ah waafaqsanayn oo kasoo baxday madaxdii millateriga ah ee Somalia kaddibna sidaa ayay ku shaqayn jirtey.

Haatan lafteeda lama oga sida ay sharciyaynteedu wax uga bedelayso inay ummaddu ka badbaaddo oo aan loo adeegsan ku takrifal awoodeed, maadaama ay taasi ku xirnaan doonto sharciyada la xisaabtan ee la dejiyo iyo sida loogu dhaqmo.

Hadalsame Media