Ukraine miyaa Somalia deeq gaarsiisey? Arag xeesha ku jirta raashinka la sheegay in Somalia la gaarsiiyey

0

(Kyiv) 02 Jan 2023 – Markab ay saaran yihiin 25,000 oo tan oo xabuub ah ayaa yimid , waa markabkii saddexaad ee Afrika keena shixnad cunto oo muhim ah taasoo ku dhisan hindise uu wado MW si ay saaxiibbo ugu yeeshaan QAARADDA.

Farsamo ahaan Ukraine waxba ma siinin Somalia, waayo iibka xabuubka iyo daabuliddiisaba waxaa wada suurtageliyey Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobey (WFP), iyo kaalmo maaliyadeed oo ay bixiyeen dowladaha Japan, France, iyo Finland.

La-taliyaha Madaxwaynaha Ukraine ee Daria Zarivna ayaa iyada oo siyaasaddooda u sharraxaysa Express.co.uk, sheegtay in ka badan 10 bilood kaddib duullaankii Ruushka ee dalkiisa, MW Zelensky uu isku dayayo inuu xiriir diblomaasiyadeed oo cusub la sameeyo wadamada Afrika, iyadoo qirtay inaysan weli taasi u shaqayn oo ay ahayd inay mar hore arrintaa bilaabaan.

GALBEEDKA AYAA BIXINAYA – Dalalka reer Galbeedka ayaa bixiya shixnadaha xabuubka ah ee lagu raro maraakiibta Ukraine, waxayna sidoo kale daboolaan kharashaadka loogu gaynayo dalka Afrikaanka ah ee la siinayo, ayay sharraxday Ms Zarivna.

Waxay intaas ku dartay: “Markaa, istaraatiijiyaddan darteed, hal markab, waxaad hal mar wada caawin kartaa dhaqaalaha laba dal – Ukraine, oo uu dagaal burburiyey , iyo dalalka Afrikaanka ah ee gaajada la silicsan.”

Sidaa darteed, Ukraine waxba uguma deeqin Afrika ee waxay ka iibsatey badarkeeda, balse siyaasad ahaan waxay u sawiraysaa inay sadaqo wax ku bixinayso waloow ay Zarivna runta sheegtay.

Hadalsame Media