Turkiga oo wacad ku maray inuu Suuriya u adeegsan doono XEELAD uu Ruushku kaga qaylisiiyey Ukraine

0
Turkish soldiers are seen near the town of Hassa on the Turkish-Syrian border in Hatay province, Turkey, January 21, 2018. Caglar Ozturk/Dogan News Agency via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVE. TURKEY OUT. NO COMMERCIAL OR EDITORIAL SALES IN TURKEY. - RC1310FC5250

(Ankara) 02 Jan 2023 – Turkiga ayaa wacad ku maray inuu qaadayo olole uu ka qalindaaranayo taatikooyinka uu Ruushku haatan u adeegsanayo dagaalka ka dhanka ah Ukraine, taasoo uu ku dabaqayo dagaalka uu ka wado woqooyiga Suuriya.

Turkiga oo la dirirsan kooxda argagixisada ah ee YPG/PKK ayaa sheegay inay u gudbayaan marxaladda xigta oo ay ku bartilmaameedsan doonto kaabayaal istiraatiiji si loo wiiqo min laymanka korantada ilaa wax soo saarka muhimka ah.

Kaddib shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiirada dalkaasi, Madaxwyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa wuxuu ku dhawaaqay in waddankiisu “uu wax ka qaban doono dhul ku fadhiya gacan 30-km (18.64-mayl), isagoo qaadaya tillaabooyin cusub oo lagu ciribtirayo khataraha argagixisada Suuriya.”

“Waxaan geli doonnaa marxalad cusub oo halgan ah oo baabi’in doonta dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo agabka kooxda argagixisada ah ee YPG/PKK, taasoo ay ku dhisaan awooddooda,” ayuu yiri Erdoğan.

Mid ka mid ah meelaha la bartilmaameedsanayo waa wershadaha saliidda sifeeya iyo wixii la mid ah, kuwaas oo maalgeliya kooxda argagixisada ah ee woqooyiga Suuriya. Turkigu waxay sidoo kale qorshaynayaan in uu weerar ku qaado kaabayaasha internet-ka si uu u curyaamiyo faafinta ”dacaayadaha madow’ ee ka dhanka ah Turkiga iyo kaabayaasha kale ee isgaarsiineed. Kaabayaasha korontada, iyo laymanka korantada ah ee aada xeryaha argagixisada ayaa la burburin doonaa, sida uu sheegay MW Turkigu.

Bartilmaameedka kale waxaa ka mid ah wershada shubka sameeya ee ay kooxaha argagixisadu u isticmaalaan agabka ceeriin si ay u dhistaan dhufaysda, gaar ahaan dusmooyinka dhaadheer ee YPG/PKK ku tahriibiyaan dadka, daroogada iyo lacagta.

Ruushka ayaa bilihii dambe sidan oo kale u burburinayey kaabayaasha muhimka ah sida korontada isagoo ku dhowaad siddeetan boqolkiiba mugdi ka dhigay dalkaasi.

Hadalsame Media