Xulka Cameroon oo FADEEXAD wayn dhex taagan & 21 laacib oo xulkooda ka tirsan oo tababarka laga cayriyey (Maxaa dhacay?)

0

(Yaoundé) 02 Jan 2023 – Xulka Cameroon ayaa waxaa soo food saartay fadeexad cusub oo musuqmaasuq ah kaddib markii 21 xubnood oo ka tirsan xulkooda ay da’doodu ka hoosayso 17 sano jirka xulka looga saaray sabab da’ la xiriirta.

Dabayaaqadii xagaagii, Xiriirka Kubbada Cagta Cameroon ayaa u yeeray 44 ciyaartooy oo ka kala socda siddeed kooxood oo kala duwan si loo dhegeysto dood ku saabsan da’da iyo khiyaamo dhanka aqoonsiga qofka ah, iyada oo Guddoomiye Samuel Eto’o uu doonayo inuu ciribtiro dhibaatadan ka jirta waddankan ku yaal Galbeedka Afrika.

Laakiin Eto’o ayaa dib u dhac kale kala kulmay isku daygiisii ahaa inuu kahortago dhibaatada khiyaanada da’da la xiririta kaddib markii inta badan ciyaartooydii sanadkan loo soo xulay tartanka UNIFACC – oo ay ku tartamayaan 17-jirada ka hooseeya ee dalalka Afrikada Dhexe – laga saaray tartanka kaddib markii ay ku guuldarraysteen imtixaankii da’da kaddib baaritaanno lagu qaaday iskaanka MRI.

Tijaabooyinkan MRI ayaa waxa loo isticmaalaa in lagu go’aamiyo da’da ciyaartooyga iyadoo la baarayo cududdooda islamarkaana iskaan la saarayo koritaanka lafaha qofka.

Xiriirka Cameroon oo arrintan bayaan kasoo saaray ayaa ku dooday inuu qaatay oo aqbalay go’aanka kasoo baxay tartanka UNIFFAC Limbe 2023 ee 17 jirada oo lagu qabanayo Limbe oo isla Cameroon ah, iyagoo sheegay in 21 ciyaartooy oo ka mid ah 30-kii ay tartankaa u xuleen la tuuray iyaguna ay haatan bedelkooda diyaarinayaan.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments