Kooxda Al-Nassri oo kaddib Ronaldo doonaysa laba laacib oo u kala safta Real Madrid & PSG

0

(Hadalsame) 02 Jan 2023 – Cristiano Ronaldo ayaa u wareegey kooxda ka dhisan Saudi Arabia ee Al-Nassr heshiis qaali ah oo uu sanadkii ku qaadanayo £175 milyan ginni kaddib markii uu ka tegey Manchester United bishii Nofeembar.

Sida uu qorayo Marca, kooxda Al-Nassri ee Saudi Arabia ayaa doonaysa inay dalkeeda keento Luka Modric iyo Sergio Ramos kadib markii ay soo iibsadeen saaxiibkooda Cristiano Ronaldo.

Maalmihii lasoo dhaafay Madaxwaynaha kooxda iyo qaar ka mid ah madaxda sare ayaa ku sugnaa Madrid si ay u tijaabiyaan suurtagalnimada in la ballaariyo liiska xiddigaha kooxdaasi mustaqbalka dhow.

Waloow ciyaaryahanka daafaca ah ee reer Spain u wareegistiisu ay u muuqato mid la maamin karo mustaqbalka dhow, dhaqaaqa Modrić oo Sucuudi aada ayaa dib u dhici kara dhowr bilood.

Xiddiga reer Croatia ayaa dhab ahaantii beri dhowayd sheegay inuu doonayo inuu u sii ciyaaro Real Madrid ugu yaraan xilli ciyaareed oo kale.

Hadalsame Media