Haaland oo la sheegay inuu shalay u qalmay kaarka ROOSAHA & Khaladka uu galay (Daawo)

0

(Manchester) 01 Jan 2023 – Qannaaska Erling Haaland ayaa la sheegay inay ahayd in la siiyo kaarka cas qaybtii hore ee ciyaartii shalay ee Manchester City iyo Everton, sida ay qabaan qaar ka mid ah isticmaalayaasha baraha bulshadu.

Mashiinka gool dhalinta reer Norway ayaa shalay gool kale ku daray goolasha uu xilli ciyaareedkan ka dhalinayo Ingiriiska daqiiqaddii 24-aad ee ciyaarta, laakiin 20 daqiiqo kaddib, waxaa loo taagay kaarka jaallaha ah kaddib markii uu galay khalad qar iska xoornimo ah.

Haaland, oo 22 jir ah, ayaa loo digey kaddib markii uu taako simbiriirix ah oo laba cagood ay dhulka xaaqayaan uu ku qaaday difaaca Toffees ee reer Ukraine, Vitalii Mykolenko, waxay ahayd taako lug jebis ah, balse kaliya kaarka jaallaha ah ayaa waxaa u taagey garsoore Andrew Madley.

Ciyaartooyda Everton ee uu wato Frank Lampard ayaa ku calaacalay garsoore Andrew Madley oo ay u sheegeen inay ahayd in ciqaab adag la marsiiyo Haaland, laakiin haatan waxaa aragtidaa ku raacay taageerayaasha oo aan qaarkood soo qaadannay sida ay wax u qiimeeyeen.

Hadalsame Media