Mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta oo si dadban u sheegtay in lagu amray inay adeeggooda ka jaraan Laascaanood

0

(Laascaanood) 01 Jan 2023Waxaa weli cirka ku shareeran xaaladda magaalada Laascaanood oo weli aad u kacsan, halkaasoo ay markale saaka dib uga bilowdeen dibadbaxyo ay dhigayaan shacabka Laascaanood oo ka dhiidhinaya dilalka halkaa ka dhaca ee aan la is waydiinin.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in ciidamada Somaliland ee halkaa ku sugan gebi ahaanba laga saaro, balse waxaa la sheegayaa inay dad badan oo rayid ihi ay halkaa ku dhinteen ama ku dhaawacmeen kaddib markii rasaas nool loo adeegsadey.

Waxaa kasii darnayd markii saaka magaalada laga jaray isgaarsiintii, wararka qaarna waxayba sheegayaan in xitaa korontadii la jaray, taasoo ahayd amar kasoo baxay Maamulka Somaliland.

Haatan waxaa arrintaa qirtay shirkadda isgaarsiinta Telesom oo sheegtay inay dhacday wax ay ku sheegtay ”cillad ka baxsan awooddeeda” waxayna soo qortay sidatan:

”RAALIGELIN: Waxa aannu macaamiishayada sharafta leh ka raaligelinaynaa muddadii uu adeegga Isgaadhsiintu hawada ka maqnaa, iyada oo ciladdu ahayd mid ka baxsan awoodda shirkadda.”

Hadalsame Media