Ciidamada Ruushka oo daqiiqaddii ugu dambaysey arkaya daroon nooca is miidaamiya ah (Muuqaal naxdin leh oo soo baxay)

0

(Hadalsame) 01 Jan 2023 – Muuqaal cusub oo kasoo baxay dagaalka Ukraine ayaa ka soo muuqday shabakadaha wararka. Markan, kaamaradu waxay ku rakibtay diyaarad aan duuliye lahayn oo ah nooca is miidaamiya ee kamikaze-ga.

Fiidiyowgu wuxuu duubay ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey ee uu daroonkii ay ku xirnayd uu dabada ka galay gaari gaashaaman oo ah beebbaha BMP ee Ruushka. Waxa xiisaha lihina waa in daroonku uu isagoo joog hoose ku duulaya uu cayrsanayo beebaha.

Labada haaj ee dambe ee BMP-ga ayaa furan, askarta Ruushkuna waxay qaar saaran tooreetkiisa. Fiidiyowga ayaa xitaa la duubay, ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey, iyadoo la arkayo in mid ka mid ah askarta Ruushka oo xilli ay xeero fandhaal seegtay baraarugey uu si deg deg ah usoo jeestey oo uu xabado kasoo ridayo qorigiisa AK-ga ah.

Khaladka ugu wayn ee ay sameeyeen waa digtooni la’aan iyo inay fureen albaabbada weliba si aan caadi ahayn oo fataax ah.

Daroonka ayaa deeto dabada ka gelaya beebbaha, halkaas ayuuna muuqaalkii ku jarmayaa maadaama uu qarxey. Ukraine waxay sheegtay inay goobtu tahay meel ka mid ah Donetsk, bariga Ukraine.

Hadalsame Media