Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo Kismaayo gaarey & Dood maamuus oo ka taagan qaabka loo dhigay Calanka Somalia (Arag sawirka)

0

(Kismaayo) 25 Dis 2022 – Waxaa magaalada Kismaayo tegey Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale, waxaana halkaa kusoo dhoweeyey MW ugu muddada dheer Maamul-goboleedyada oo dhan oo ah midka Jubaland, Axmed Madoobe.

Wasiirka Difaaca Kenya ee Aadan Barre Ducaale ayaa la sheegay inuu xarunta Jubaland u tegey inuu booqdo saldhigyada Ciidamada KDF ee halkaa jooga kuwaasoo haatan ka tirsan ATMIS, balse howlo kale si iskood ah u fushada.

Yeelkeede, waxay doodi ka dhalatay kulanka uu la qaatay Madaxwayne Axmed Madoobe oo ay ka muuqato in Ducaale uu kala dhex fadhiyo Calanka Soomaaliya oo dhanka midig laga dhinac dhigay iyo Madoobe oo af fadhiya midka Jubaland.

Dadka qaar ayaa arrintan ku tilmaamay mid dhinac marsan xitaa xeerarka Federaalka, maadaama ay ku habboonayd inuu Ducaale qaabilo wasiir ka socda DF Somalia, taasoo ah sida saxda ah.

Hadalsame Media