”Maraykanku qori dab leh ayuu dunida la meeraysanayaa balse lama huri doono dagaal aan la galno” – Shiinaha oo furka ku xooray xeer uu saxiixay MW Biden

0

(Beijing) 25 Dis 2022 – Washington waxay si ula kac ah u buunbuuninaysaa “khatarta Shiinaha” iyada oo taa marmarsiinyo uga dhiganaysa inay kor u qaaddo miisaaniyaddeeda millateri, iyadoo waxaa oo dadaal ah ugu jirta in ay sii joogtayso awooddeeda caalamiga ah, ayaa lagu sheegay bayaan shalay kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Shiinaha, kaddib markii uu Madaxwayne Joe Biden saxiixay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka 2023.

“”Xaqiiqooyinku waxay caddeeyeen in ka badan hal mar in Maraykanku uu yahay khatarta tooska ah ee nidaamka caalamiga ah iyo dembiilaha qaska ka wada gobolka,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Shiinaha, Colonel Tan Kefei.

Bayaanka oo sii socda ayaa lagu sheegay in, isagoo fushanaya danihiisa gaarka ah, Maraykanku uu marar badan “ama dagaallo ka dhan ah wadamo kale kiciyey ama abuuray colaado, sababay khasaare balaaran iyo barakicinta dad rayid ah oo aan waxba galabsan.”

$858-bilyan oo Doollar ee miisaaniyadda millateriga Maraykanka ee sanad-maaliyadeedka 2023-ka ee soo aaddan, iyagoo ogolaaday $10 bilyan oo Doollar oo kaalmo amni ah iyo hub si deg deg ah looga iibinayo Taiwan, ayaa weli ah mid kale oo ka mid ah tillaabooyinka daandaansiga ah ee isdaba joogga ah ee “si dhab ah u khalkhal gelinaya nabadda iyo xasilloonida marin-biyoodka Taiwan taasoo korna u qaadaysa” Khatarta iska horimaad millateri oo dhexsada Shiinaha iyo Maraykanka.” ayuu raaciyey.

Ciidanka Xoraynta Dadka Shiinaha ee PLA ayaa sidoo kale wacad ku maray inay “si adag u ilaalinayaan dib u midaynta qaranka iyo midnimada dhuleed ee dalkaasi,” iyagoo ka digaya in Washington aysan haysan doorasho kale oo aan ahayn “in ay ixtiraamto danaha asaasiga ah ee Shiinaha iyo walaacyada waawayn ee ay qabto,” sida ay tiri Wasaaradda Gaashaandhiggu.

Hadalsame Media