WARBIXIN WACAALSAN: Carabtu imisa ayay u kala baxdaa? Qurayshta ay Soomaalida qaar sheegato se dhankee ku aroortaa?

0

(Hadalsame) 25 Dis 2022 – Carabta waxaa loo qaybiyaa sadex qaybood. Waxaa la yiraahdaa Carabul Caaribah, Carabul Mustacribah iyo Carabul Baa’idah.

1. Carab aan hadda waxba ka noolayn, oo halaagsantay waxaa ka mid ahaa Qawmamkii Caad iyo Thamuud.

2. Dad la carabeeyey, waxaa dadkaa la yidhaahdaa Cadnaaniyiin, waxayna ka soo jeedaan Nabi Ibraahim(CS) Iyo Nabi Ismaaciil(CS), waxaana ku abtirsada Quraysh, oo Qurashayta iyo Haashimiyiintu Carab maaha ee waa la carabeeyey oo afkay qaateen, markii Nabi Ismaaciil (CS)guursaday gabadh Carabiyada oo reer Banii Julhum ah oo uu afcarabiga ka bartay.

3. Carabta Asalka ah oo ku abtirsata Yacrub Bin Qaxdaan, oo loo yaqaano Qaxdaaniyiinta, waa qawmkii Nabi Ismaaciil (CS)iyo Haajir ugu yimaadeen Maka ee la odhan jiray Banii Julhum.

Marka taariikhda la sii dabo galo Quraysh iyo Haashimiyiintu Caraba maaha ,waxay ilmaadeer yihiin Yacquub Ibnu Isixaaq Ibnu Ibraahim, iyo Cadnaan Bin Ismaaciil Bin Ibraahim, Waxaana iska dhalay Faraaciin oo Haajir ka soo jeeday iyo Nabi Ibrahim oo aan Caraba ahayn, sidaasi daraadeed Nabigeena Muxamed Nabad Galyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee waa Cadnaani, waa Carabta la carabeeyey.

Sidaa darteed, reeraha Soomaaliyeed ee Carabta sheegta midna Carab maaha waa dad ilaahay ku beeray geeska Afrika, waxaynuna isku dad nahay oo la hubaa Oromo iyo dadkaa geeska Afrika.

W; D: Asad Caddaani Ibraahim

Hadalsame Media