“Waxaan haynaa saraakiil qaraxyada soo gudbinayey” – MW Xasan oo si adag uga hadlay sababta qaraxyada u gaaraan bartilmaameedkooda (Daawo)

0

(Muqdisho) 24 Dis 2022 – MW Xasan Sheekh ayaa markii ugu horreeysey qiray inuu jiro xiriir ka dhexeeya Ciidamada Ammaanka ee jooga meelaha wax lagu baaro iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho iyo meelo kale.

Wuxuu tusmeeyey in aysan caqliga gelaynin in qaraxyadu dhaafaan meelo wax lagu baaro haddii aan lasii daynin, mar uu ka hadlayey xuska booliiska.

Wuxuu sababta ku sheegay musuqa baahsan ee jira iyo askariga oo ay nolosha dadka iyo gudashada waajibkiisa ay kala fiican tahay inuu lacag helo.

“Haddii askariga oo dadaalaya uu hal qarax ama laba iyo seddax ay kasoo fakadaan waa macquul, balse 5, 6, iyo 10.” Ayuu yiri MW Somalia.

Wuxuu intaa raaciyey inay qaraxyadu ka yimaadaan dibedda magaalada Muqdisho balse ay gudaha soo geliyaan oo soo gudbiyaan saraakiil ciidan oo qaarkood hadda la xirey.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media