Muuqaal cusub oo ay taageerayaasha Man United ku weerarayaan Ronaldo oo soo baxay & Waxa ay leeyihiin (Daawo)

0

(Manchester) 24 Dis 2022 – Taageerayaasha Manchester United ayaa Twitter-ka aad ugu amaanay Marcus Rashford iyo goolkii qurxoonaa ee uu ka dhaliyey Burnley koobka Carabao Cup iyadoo 2-0 ku garaacday si ay u gaarto wareega 8-da.

Taageerayaasha ayaa ciyaartaa si deg deg ah wiilkan u barbar dhigay Cristiano Ronaldo markii uu da’da yaraa, kaasoo kooxdan oo mar halyeey u ahaa uga tegey si aan qurxoonayn, iyadoo u samaysay sagootin yara qabow oo ka koobnayd 81-eray oo qura.

Mid ayaa soo qoray: ‘Yaa u baahan Ronaldo marka aad haysato Marcus Rashford MBE?’ Halkan kasii aqri…

Haatan, maagistan Ronaldo intaa kuma ekaanin oo waxaa soo baxay muuqaal cusub oo isla ciyaartaa ahaa oo ay taageerayaashu ku xadraynayaan hees ay isugu jiibinayaan inaysan hadda kaddib kasii fikiraynin Ronie.

”Ronny dan igama laha, aniguna dan kama lihi. Waxa aan fikiraa oo dhami waa MUFC.” ayay isugu jiibinayeen, sida muuqaalka laga arki karo.

Hadalsame Media