Guardiola oo lagu haysto inuu u kala eexday laba oo Man City ah (Muxuu sameeyey?)

0

(Manchester) 24 Dis 2022Richard Keys ayaa ku eedeeyey Pep Guardiola laba-bognlayn kaddib markii macallinka Manchester City uu ka caroodey Kalvin Phillips ka soo laabashada Koobka Adduunka isagoo uu fuulay ‘miisaan xad dhaaf ah’.

Ciyaaryahankan khadka dhexe ee England ayaa laga saaray kooxda City ciyaartii Carabao Cup ee ay la ciyaareen Liverpool habeenkii Khamiistii.

Phillips, oo ciyaaray kaliya 94-daqiiqo oo xilli-ciyaareed ay dhaawacyo hareeyeen, ayaa loo sheegay inuusan tababarka la qaadan saaxiibadiis markii ciyaartooyda City iyo England uu ay kasoo laabtay Qadar.

Guardiola oo xanaaqsan ayaa yiri: “Dhaawa kuma maqna – balse waxa uu yimid isagoo uu fuulay miisaan culus. Man garanayo [sababta]. Balse kuma imaanin xaalad uu ku sameeyn karo tababar ama kuu ku ciyaari karo.’

Si kastaba ha ahaatee, daadihiyaha ciyaaraha ee BeIN, Richard Keys, ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku weerarayo Guardiola hadalladiisa.

“Waxaan la yaaban ahay sababta uu Guardiola u kashifay Phillips si uu ugu qoslo ‘dembigan uu galay,’ ayuu yiri.

“Weligii hal kelmad ma dhihin markii uu kasoo tegi jirey [Sergio] Aguero oo galay isla dembigan. Waa yaab.’ Ayuu raaciyey.

Ciyaaryahankan khadka dhexe, ayaa xagaagii tegey 42 milyan oo ginni kagasoo wareegey Leeds United, haatan se wuxuu u baahan doonaa inuu u dagaallamo booskiisa oo uu isu muujiyo Guardiola.

Hadalsame Media